Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuql Insaanka Qaranka, ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay wafdi heer sare ah oo ka socday Centre for Civilians in Conflict, kuwaas oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Afrika Vianney Bisimwa. Kulankan ayaa ahaa mid si qoto dheer diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada dhinac, gaar ahaan ilaalinta dadka rayidka ah ee saameynta ku yeesha hawlgallada amniga iyo colaadaha ka jira dalka.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa si faahfaahsan uga wada hadlay muhiimadda ay leedahay kor u qaadidda kormeerka xuquuqda aadanaha, iyo sidii loo adkeyn lahaa nidaamyada isla xisaabtanka ee la xiriira hawlgallada amniga ee ka socda Soomaaliya. Waxaa sidoo kale la isla gartay in la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah si loo yareeyo waxyeellada soo gaarta shacabka rayidka ah.
Kulankan muhiimka ah ayaa ku soo beegmay xilli ay Soomaaliya si rasmi ah u ansixisay Siyaasadda Qaranka ee Ilaalinta Bedqabka Rayidka xilliyada hawlgallada ciidan iyo colaadaha. Siyaasaddan ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo muhiim u ah ilaalinta nolosha iyo hantida shacabka, gaar ahaan xilliyada ay socdaan dagaallada iyo hawlgallada amniga.
Siyaasaddan cusub ayaa dhigeysa hannaan nidaamsan oo lagu aqoonsanayo, lagu diiwaangelinayo, loogana jawaabayo waxyeellada soo gaarta dadka rayidka ah. Sidoo kale waxay xoogga saareysaa ka hortagga khasaaraha shacabka iyo in la helo hannaan cad oo lagu xisaabtamo marka ay dhacaan khaladaad ama waxyeellooyin.
Maryan Qaasim ayaa kulanka ka sheegtay in Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka uu si buuxda uga go’an yahay ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed. Waxay xustay in doorka Guddigu uu yahay mid muhiim ah oo ku saabsan kormeerka, baarista cabashooyinka, iyo hubinta in hay’adaha amniga ay u shaqeeyaan si waafaqsan sharciga iyo xuquuqda aadanaha.
Waxay sidoo kale ku nuuxnuuxsatay in isla xisaabtanka uu yahay laf-dhabarta kalsoonida shacabka, isla markaana aan la aqbali karin wax kasta oo waxyeello u geysta dadka rayidka ah iyadoo aan la helin jawaab celin cad iyo baaritaan hufan.
Dhanka kale, wafdiga Centre for Civilians in Conflict ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhanka tababarrada, cilmi-baarista, iyo la-tashiyada la xiriira ilaalinta rayidka. Waxay sidoo kale muujiyeen in Soomaaliya ay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu horumarinayo nidaamka ilaalinta shacabka, balse loo baahan yahay in si joogto ah loo xoojiyo fulinta siyaasadahaas.
Ugu dambeyntii, labada dhinac ayaa isku raacay in la sii ambaqaado wada-shaqeynta, lana sameeyo kulamo iyo barnaamijyo joogto ah oo lagu xoojinayo ilaalinta rayidka, loona hubinayo in hawlgallada amniga ay u dhacaan si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.
Home Wararka Maanta Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka iyo CIVIC oo Xoojinaya Ilaalinta Rayidka iyo Isla...