Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryam Qasim, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaadatay Wakiilka Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Sandra Lattouf, si loo xoojiyo iskaashiga iyo wadashaqeynta u dhexeeysa labada dhinac.
Kulankan ayaa lagu falanqeeyay arrimo dhowr ah oo la xiriira horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda carruurta, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray sidii loo xoojin lahaa nidaamyada qaran ee lagu daryeelo carruurta, loogana hortago xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqdooda.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan mideysan oo kor loogu qaadayo wacyigelinta bulshada, si waalidiinta iyo guud ahaan bulshada ay uga qeyb qaataan ilaalinta iyo daryeelka carruurta.
Marwo Sandra Lattouf oo hadal ka jeedisay kulanka ayaa sheegtay in UNICEF ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso hay’adaha dowladda, gaar ahaan dhinacyada la xiriira ilaalinta carruurta, waxbarashada, caafimaadka iyo nafaqada, si loo xaqiijiyo mustaqbal wanaagsan oo carruurta Soomaaliyeed ay helaan.
Dhankeeda, Dr. Maryam Qasim ayaa adkaysay sida ay uga go’an tahay Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka ilaalinta xuquuqda carruurta, iyadoo xustay in guddigu uu sii wadi doono dadaallada ku aaddan kormeerka, la socodka iyo ka hortagga tacaddiyada loo geysto carruurta.
Waxay sidoo kale tilmaantay in muhiim ay tahay in la xoojiyo isla-xisaabtanka, si cid kasta oo ku xadgudubta xuquuqda carruurta loo horgeeyo cadaaladda, loona hubiyo in carruurtu helaan xuquuqda ay leeyihiin.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku saabsan in la dardargeliyo wada shaqeynta iyo hirgelinta barnaamijyo wax ku ool ah oo si toos ah u taageeraya carruurta, loona abuuro jawi ammaan ah oo ay ku koraan kuna horumaraan.