Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa si adag u cambaareeyay xadgudubka iyo bahdilaadda lagu sheegay in loogu geystay gabar Soomaaliyeed gudaha magaalada Muqdisho, isagoo ku tilmaamay falkaasi mid ka hor imanaya sharciga, xuquuqda aadanaha iyo qiyamka bulshada Soomaaliyeed.
War-saxaafadeed uu soo saaray guddigu ayaa lagu muujiyay walaaca laga qabo dhacdadan, iyadoo la xusay in ilaalinta karaamada iyo xuquuqda muwaadiniintu ay tahay waajib saaran hay’adaha dowladda iyo bulshada inteeda kale. Guddigu wuxuu adkeeyay in qof kasta uu leeyahay xuquuq uu sharcigu dammaanad qaaday, isla markaana aan la aqbali karin nooc kasta oo xadgudub ama tacaddi ah.
GMXIQ ayaa ugu baaqay hay’adaha amniga iyo garsoorka inay si degdeg ah u sameeyaan baaritaan hufan, madax-bannaan oo dhexdhexaad ah, si loo xaqiijiyo xaqiiqooyinka ku xeeran dhacdadaasi, loona horkeeno sharciga dhammaan dadka lagu helo inay ku lug lahaayeen falkaas.
Sidoo kale, guddigu wuxuu ku boorriyay hay’adaha ay quseyso inay hubiyaan in dhibbanaha la siiyo taageero iyo daryeel ku habboon, isla markaana la ilaaliyo xuquuqdeeda iyo karaamadeeda. Waxaa sidoo kale lagu baaqay in la xoojiyo dadaallada lagu ciribtirayo dhammaan noocyada tacaddiyada iyo xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo bulshada nugul.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyn carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in caddaalad loo helo dhibbanayaasha, isla markaana tallaabo sharci ah laga qaado cid kasta oo ku kacda falal ka hor imanaya xuquuqda aadanaha iyo shuruucda dalka.