Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka oo Nairobi ka furay aqoon-is-weydaarsi shan maalmood soconaya

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), oo kaashanaya Machadka Raoul Wallenberg ee Xuquuqul Insaanka iyo Sharciga Banii’aadannimada (RWI), ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay aqoon-is-weydaarsi soconaya muddo shan maalmood ah, kaas oo diiradda lagu saarayo hoggaaminta sare iyo horumarinta awoodda hay’adeed ee Guddiga.

Barnaamijkan ayaa waxaa taageeraya Dowladda Sweden, waxaana ujeeddadiisu tahay xoojinta awoodda maamulka, madax-bannaanida iyo hufnaanta shaqo ee Guddiga, si uu si wanaagsan ugu guto waajibaadka sharciyeed ee loo igmaday ee la xiriira ilaalinta iyo dhowrista xuquuqul insaanka Soomaaliya.

Munaasabadda furitaanka aqoon-is-weydaarsiga ayaa waxaa hadallo ka jeediyey Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Maryan Qaasim Axmed; Per Karlsson, Madaxa Iskaashiga Horumarinta ee Arrimaha Soomaaliya ee Safaaradda Sweden; iyo Mikael Johansson, Agaasimaha Afrika ee Machadka RWI.

Aqoon-is-weydaarsiga waxaa ka qaybgalaya xubnaha Guddiga iyo khubaro caalami ah oo ku takhasusay arrimaha xuquuqul insaanka. Inta uu socdo, waxaa xoogga la saari doonaa sidii loo xoojin lahaa hannaanka maamulka Guddiga, loo ilaalin lahaa madax-bannaanidiisa, loona horumarin lahaa nidaamyada isla-xisaabtanka iyo habraacyada lagu xaqiijinayo gudashada waajibaadkiisa.

Mawduucyada lagu falanqayn doono waxaa ka mid ah dib-u-eegista siyaasadaha iyo habraacyada shaqo ee Guddiga, diyaar-garowga aqoonsiga Isbahaysiga Caalamiga ah ee Hay’adaha Qaranka ee Xuquuqul Insaanka (GANHRI), iyo is-weydaarsiga aqoonta iyo waayo-aragnimada ku saabsan ilaalinta xuquuqul insaanka.

Waxaa sidoo kale aqoon-is-weydaarsiga ka qaybqaadanaya wakiillo iyo khubaro ka socda hay’adaha xuquuqul insaanka ee dalalka Sweden, Ghana, Kenya, Itoobiya, Zimbabwe iyo Marooko, kuwaas oo la wadaagaya ka qaybgalayaasha waayo-aragnimadooda iyo hababka ay dalalkoodu u maareeyaan ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Aqoon-is-weydaarsigan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, si uu u noqdo hay’ad awood leh, madax-bannaan oo hufan, isla markaana door muuqda ka qaadata ilaalinta karaamada aadanaha, dhowrista xuquuqda muwaadiniinta iyo xaqiijinta isla-xisaabtanka guud ahaan Soomaaliya.