Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Danjiraha Aljeeriya ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Aljeeriya u fadhiya Soomaaliya, Dr. Maxamed Caliim, iyadoo kulanka uu diiradda ku saabsanaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Kulanka oo ahaa mid isbarasho ah ayaa labada dhinac waxay kaga wada hadleen xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Aljeeriya iyo sidii loo sii horumarin lahaa iskaashiga ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, diblomaasiyadda iyo xiriirka baarlamaannada.

Danjiraha Jamhuuriyadda Aljeeriya ayaa kulanka ku sheegay in dowladda dalkiisa ay ka go’an tahay dib-u-dhaqaajinta iyo xoojinta xiriirka labada dal, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo iskaashiga iyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda ee Soomaaliya iyo Aljeeriya.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa muujiyay sida Aljeeriya ay muhiimad gaar ah u siinayso xiriirka ay la leedahay Soomaaliya, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada siyaasadda iyo arrimaha baarlamaanka, si loo abuuro fursado cusub oo lagu xoojin karo xiriirka labada dal.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa dhankiisa soo dhaweeyay Danjiraha Aljeeriya, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal. Waxa uu sidoo kale tilmaamay doorka muhiimka ah ee baarlamaannadu ka qaadan karaan horumarinta xiriirka iyo is-dhexgalka labada dal.

Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta u dhexeysa Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Ummadda ee Jamhuuriyadda Aljeeriya, iyadoo la dhiirrigelinayo booqashooyinka iyo kulamada labada baarlamaan.

Waxaa sidoo kale la isla qaatay in la kordhiyo khibrad-is-weydaarsiga, wadaagista aqoonta iyo iskaashiga baarlamaannada, si labada dhinac ay uga faa’iideystaan waayo-aragnimada iyo aqoonta ay kala leeyihiin dhinacyada sharci-dejinta iyo howlaha baarlamaanka.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku aaddan sii xoojinta xiriirka Aqalka Sare iyo Golaha Ummadda ee Aljeeriya, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen diyaar garow ay ku sii horumarinayaan wada-shaqeynta iyo xiriirka labada baarlamaan.