Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Muqdisho dib ugu soo laabtay.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa Muqdisho dib ugu soo laabtay ka dib markii uu magaalada Istanbul uga qeyb galay shirwaynaha 5-aad ee madasha Baarlamaannada Qudus.

Guddoomiyaha oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa caalamka ugu baaqay in si deg deg ah loogu gurmado shacabka Falastiin oo wajahaya xaalado bini’aadannimo oo ay sababeen duqaymaha iyo go’doominta magaalada Qasa ay ku hayaan Israa’iil.

Guddomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa April 27, 2024-ka ka qayb galay shirka madasha, Baarlamaannad Qudus oo ka furmay dalka Turkiga, isaga oo halkaas ka jeediyey khudbad.

Guddoomiyaha oo shirka ka jeediyay khudbad ayaa ka hadlay dhibaatada lagu hayo falastiiniyiinta gaar ahaan dadka Qasa oo muddo kabadan 6 bilood ay duqaymo iyo gumaad ba’an ku hayso israel, isagoo ku boorriyay madaxda shirka ka soo qayb gashay in lagu dadaalo sidii shacabka go’doonsan loola gaari lahaa gurmad bini’aadannimo oo deg deg ah.

Senator Cabdi Xaashi ayaa uga mahad celiyay madaxwaynaha turkiga oo shirka furay, garab istaagga uu u muujiyay shacabka Falastiin islamarkaana uu xiriirkii dhaqaale ugu jaray israel, muhiimna ay tahay in Falastiin hesho xorrnimo iyo dowlad la aqoonsan yahay.