Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa maanta Aqalka Sare ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Danjire Col. Cusmaan Dubbad Sugulle.
Kulanka ayaa ahaa mid isbarasho iyo soo dhaweyn ah, waxaana labada dhinac ay kaga wada hadleen xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa safiirka cusub ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, isagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan.
Dhinaca kale, Safiirka Jabuuti ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, isagoo adkeeyay sida ay muhiim u tahay in labada dal ay sii xoojiyaan xiriirkooda ku dhisan walaaltinimo, iskaashi iyo wax-wada-qabsi.
Labada dhinac ayaa carrabka ku adkeeyay in xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti uu yahay mid soo jireen ah oo ku saleysan xiriir dhow oo walaaltinimo, waxaana la isku raacay in la sii adkeeyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad iyo rajo laga muujiyay in xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Jabuuti uu sii yeesho horumar iyo xoojinta danaha labada dal iyo shacabkooda.