Guddoomiyaha Aqalka Sareee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay wehelliyaan Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Sanatarro, Xildhibaanno iyo marti sharaf kale, ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Sanadlaha ah ee Abaalmarinta Shaqaalaha Aqalka Sare ee 2025-ka.
Munaasabaddan oo ah mid sannadle ah, ayaa lagu abaalmariyaa shaqaalaha Aqalka Sare ee muujiyay dadaal, daacadnimo, howlkarnimo iyo waajib gudasho hagar la’aan ah, taas oo gacan ka geysaneysa kor u qaadista hufnaanta shaqada, horumarinta kartida shaqaalaha, islamarkaana dhiirrigelin u noqonaysa dhammaan howl-wadeennada Aqalka Sare.
Ugu horrayn, Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare, Mudane Cabdi Naasir Ibraahim Guuleed, oo furay munaasabadda abaalmarinta sannadlaha ah, ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeeddada munaasabadda, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay aqoonsiga iyo qiimeynta shaqaalaha dadaalka dheeraadka ah muujiya, si kor loogu qaado wax-soo-saarka iyo tayada shaqada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Dhankiisa, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalim Caliyow Ibrow, oo munaasabadda hadal ka jeediyay, ayaa sheegay in ka Wasaarad ahaan ay ku faraxsan yihiin dhiirrigelinta iyo abaalmarinta shaqaalaha, isla markaana ay maamulka Aqalka Sare ku bogaadinayaan dadaallada ay ugu jiraan kor u qaadista xuquuqda, dhiirrigelinta iyo horumarinta shaqaalaha.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo munaasabadda soo xiray kadib markii shaqaalaha mutaystay la guddoonsiiyay abaalmarinnadii loo qorsheeyay, ayaa dhammaan shaqaalaha ku booriyay in ay sii laba jibbaaraan dadaalkooda. Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la qiimeeyo shaqaalaha, laguna abaalmariyo dadaalkooda, isla markaana la aqoonsado qof kasta oo leh karti, wax-ku-oolnimo iyo qiimo shaqo.