Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS Sheekh Aadan (Madoobe) oo maanta kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan qado sharaf ah la qaatay odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Golaha Malaaqyada Dhaqanka ee Koonfur Galbeed ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxay ku dhiira geliyeen dadaalka loogu mira-dhalinaayo guul ka gaarista Shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed, iyagoo ku tilmaamay in lagu guuleysan doono hadii laga wada shaqeeyo midnimadda reer Koonfur Galbeed, si dadka deegaannadan ay u heleen xasilooni iyo nabad waarta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ku amaanay in ay laf dhabar iyo hoggaan lagu dayan karo ay u yihiin dhaqankeena wanaagsan iyo nidaamka dowlad dhiska dalka oo soo maray marxalado kala duwan.