DHAGEYSO:Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle oo sheegtay in aysan wax ka qaban karin Weerarada Al-Shabaab

Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Sheekh Cusmaaan barre Maxamed ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbday in maamulka Hirshabeelle kala shaqeyso sidii loo sugi lahaa amaanka guud ee Hirshabeelle.

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab mudooyinkii dambe ay dhibaatooyin ka geysanaayeen inta u dhaxeysa wadooyinka Magaalooyinka Balcad iyo Jowhar sidoo kale wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in wadooyinkaas bilooyin ka hor si amni ah ay xildhibaanada iyo madaxda Hirshabeelle balse hada ay ka jiraan qataro amni iyo weeraro iyo qaraxyo Al-Shabaab ay ka geystaan.

Waxa uu dowladda dhexe ka codsaday in si dhaqso ah ay Hirshabeelle kaga caawiyaan la dagaalka Al-Shabaab iyo sugidda amniga degaanada Hirshabeelle.

Hoos kadhegeyso codka