Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland Oo Sheegtay in dhamestirka Dastuurka laga doorbidaayo in dhaqaale lagu helo

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland Sheeh Cabdi Maxamed ayaa sheegay in dhameystirka Dastuurka loo weecinayo ama laga doorbidayo in dhaqaale lagu raadiyo.

Wuxuu sheegay dhawr jeer inuu arkay in laab laabyo badan ay jiraan, midaasina ay tahay wax aan wanaagsaneyn, muhiimna ay tahay in wax ka bedel lagu sameeyo.

Wuxuu tilmaamay in ay masuul ka yihiin shacabka, loona baahan yahay howsha in loo qabti si ay ku jirto masuuliyad loo dhan yahay.

Sidoo kale wuxuu sheegay ka maamul ahaan in hada ay saluugsan yihiin qaabka loo wado dhameystirka arrimaha Dastuurka, wuxuuuna ku taliyay in Dowladda dhexe arrintan ay wax ka qabato.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa shalay waxaa ka furmay shir looga hadlayo arrimaha Dastuurka, kaasi oo ay ka qeyb galayaan Guddiga Baarlamaanka ee arrimaha Dastuurka, Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Maamul Goboleedyada iyo xubno kale.