Guddoomiyaha Baarlamaanka oo gaaray Jowhar

Guddoomiyha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheeh C/raxmaan, ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay Magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi waare, ku-xigeenkiisa Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Cusmaan Barre Maxamed iyo tiro Wasiiro ayaa si wayn ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa soo dhaweyn kadib waxaa loo galbiyay Madaxtooyadda Magaalada Jowhar.

Madaxda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay sheegeen inay ku farxsan yihiin safarka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu maanta ku tagay Magaalada Jowhar.

Saraakiil ka tirsan wafdiga Guddoomiye Mursal ayaa warbaahinta  waxa ay u sheegeen ujeedka safarkan inuu yahay in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu furo Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle.

Inta uu joogo Magaalada Jowhar Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu kulamo kala duwan la qaadan doonaa masuuliyiinta Maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa si wayn loo adkeeyay, iyadoo ciidamada amniga ay yihiin kuwa gaaf wareegaya Magaalada gudaheeda iyo daafaheeda.