Guddoomiyaha Degmada Matabaan, Mudane Maxamed Sheikh Maxamuud Dhobooy, oo ay weheliyaan masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka degmada, ayaa maanta shir muhiim ah la qaatay Ururka Hooyooyinka Degmada Matabaan. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii hooyooyinka looga qeybgelin lahaa horumarinta bulshada, daryeelka hooyada iyo dhallaanka, nadaafadda deegaanka iyo nabadaynta.
Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyay hooyooyinka doorka muuqda ee ay ka qaataan bulshada, wuxuuna ballan qaaday in maamulka degmada uu taageero buuxda siin doono barnaamijyadooda. Hooyooyinkuna waxay soo dhaweeyeen wada-shaqeynta, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin in ay talooyinkooda iyo baahiyaha bulshada la wadaagaan maamulka.
Ugu dambeyn, labada dhinac waxay ku heshiiyeen in la xoojiyo iskaashiga si loo gaaro horumar waara oo degmada guul u horseeda.