Guddoomiyaha Degmada Matabaan Mudane Maxamed Sheikh Maxamuud Dhoobeey Oo Ay Wehliyaan Gudomiye Ku-xigenka Degmada Abdikafi Shire Colaad Iyo Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Matabaan ayaa kulan muhiim ah la qaatay dhalinyarada degmada Matabaan oo ay hor kacayeen gudoonka dhalinyada ee degmada .
Kulanka oo ka dhacay xarunta degmada waxa lagu gorfeeyay doorka dhalinyarada ee horumarinta nabadda, amniga, iyo kobcinta adeegyada bulshada.
Guddoomiyuhu wuxuu dhalinyarada ku boorriyay inay ka shaqeeyaan ilaalinta ammaanka, nadaafadda deegaanka, iyo ka qayb-qaadashada barnaamijyada horumarineed ee degmada. Sidoo kale, wuxuu xusay in maamulka degmada uu mar walba diyaar u yahay la shaqeynta dhalinyarada islamarkaana uu dhiirrigelinayo fikradahooda iyo hindisayaashooda horumarineed.
Dhalinyaradii ka soo qayb-gashay kulanka ayaa dhankooda soo bandhigay aragtiyo, talooyin iyo caqabado ay la kulmaan, iyagoo ka codsaday maamulka in la xoojiyo fursadaha shaqo abuurka, waxbarashada, iyo ciyaaro.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada maamulka Degmada Matabaan uu ku xoojinayo wada shaqeynta u dhaxeysa dowladda hoose iyo dhalinyarada degmada.