Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo maalmahan ku sugan magaalada Baydhabo ayaa shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo looga hadlay amniga doorashooyinka Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo in doorashooyinka qof iyo codka ah ay ku dhacaan jawi nabdoon, hufan, iyo kalsooni leh, si shacabka ay si xor ah ugu gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.
Kulanka waxaa kasoo qeyb galay saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha amniga, xubno ka socday maamulka Koonfur Galbeed, iyo Xoghayaha Guud ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka. Intii uu socday kulanka ayaa si qoto dheer looga dooday qorsheyaasha sugidda amniga goobaha doorashada, ilaalinta shacabka iyo shaqaalaha doorashada, iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo guddiyada doorashooyinka.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa sheegay in amniga doorashooyinku uu yahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu xaqiijin karo doorasho xor iyo xalaal ah. Wuxuu tilmaamay in guddigu uu si dhow ula shaqeynayo ciidamada ammaanka iyo maamulka Koonfur Galbeed si loo hubiyo in goobaha codbixinta ay noqdaan kuwo ammaan ah oo ay shacabka si nabad ah ugu soo baxaan.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey xaaladaha amni ee ka jira deegaannada ay doorashooyinku ka dhacayaan, gaar ahaan meelaha ay ka jiraan caqabado amni iyo dhaq-dhaqaaqyo ay wadaan kooxaha lidka ku ah nabadda iyo xasilloonida. Saraakiisha amniga ayaa soo bandhigay warbixino la xiriira qorsheyaasha lagu adkeynayo amniga, kordhinta ciidamada loo xil saarayo goobaha codbixinta, iyo diyaarinta hannaan degdeg ah oo looga jawaabo xaalad kasta oo amni darro ah.
Waxaa sidoo kale kulanka diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay in shacabka lagu dhiirrigeliyo ka qeybgalka doorashooyinka, iyadoo la hubinayo in muwaadiniintu ay dareemaan kalsooni iyo badqab. Mas’uuliyiinta ka qeyb gashay kulanka ayaa isku raacay in amni la’aan aysan suurta gal ka dhigeyn hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadeed, sidaas darteedna loo baahan yahay wada shaqeyn buuxda oo dhex marta ciidamada ammaanka, maamulka deegaanka, guddiyada doorashooyinka, iyo bulshada rayidka ah.
Guddoomiyuhu wuxuu xusay in doorashooyinka qof iyo codka ah ay yihiin tallaabo taariikhi ah oo Soomaaliya u horseedi karta dowladnimo dhameystiran iyo in shacabka ay si toos ah u doortaan hoggaankooda. Wuxuu ku boorriyey hay’adaha amniga inay labanlaabaan dadaallada ay ku xaqiijinayaan xasilloonida iyo ilaalinta nidaamka doorashada, si looga hortago wax kasta oo carqaladeyn kara geeddi-socodka dimuqraadiyadeed.
Dhankiisa, Xoghayaha Guud ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in guddigu uu diyaariyey qorsheyaal farsamo iyo kuwo maamul oo lagu hubinayo habsami u socodka doorashooyinka. Wuxuu xusay in la sameeyey tababaro iyo diyaar garow ku saabsan maamulka goobaha codbixinta, ilaalinta qalabka doorashada, iyo isku dubbaridka howlaha la xiriira geeddi-socodka codbixinta.
Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada dalka ay dadaal xooggan ugu jiraan hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah, kuwaas oo loo arko tallaabo muhiim u ah dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya iyo xoojinta nidaamka dimuqraadiyadeed. Magaalada Baydhabo oo xarun u ah Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah goobaha ugu muhiimsan ee lagu qabanayo howlaha doorashooyinka, waxaana socda diyaar garow ballaaran oo dhinacyo badan leh.
Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa ku adkeeyey dhammaan hay’adaha ku lugta leh doorashooyinka inay si wadajir ah uga shaqeeyaan xaqiijinta doorashooyin ammaan ah, xor ah, oo hufan, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan fursad ay codkooda ku doortaan hoggaankooda mustaqbalka.