Guddoomiyaha G/Benaadir oo Wareejiyey dhul ay leeyihiin CXDS

Sidoo kale, Guddoomiye Yarisow waxa uu sheegay in dhulkan qeyb ka mid ah ay lahaayeen dad shacab ah balse ay isku af-garteen Wasaaradda Gaashaandhigga Dawladda Federaalka ah in dadkaas loogu badelo dhulal kale oo ay ku leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka gudaha magaalada Muqdisho.

“Waxaan ka wada hadlanay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wasaaradda Gaashaandhigga sidii loo maareyn lahaa qaar ka mid ah bogcadaha dhulkan oo ay qaar lahaayeen dad shacab ah, Arrinkaas oo aan guddi baaritaan u saareyno. Cid kasta oo dokuminti sax ah la timaadana waxa aan u qoondeynaynaa dhul kale oo la qorsheyn doono”. Ayuu yiri Eng.Yariisow.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Maxamed Mursal iyo Taliyeha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa bogaadiyey wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxeysa Ciidanka iyo bulshada Gobolka, iyagoona sheegay in ay kala shaqeynayaan Maamulka Gobolka sidii xal loogu heli lahaa dadka qeybta ku lahaa dhulkan loo aqoonsaday danta guud.

Taliyaha Xarunta Tababarka Turkiga ee Soomaaliya Jeneraal Maxamed Yaasiin ayaa tilmaamay xiriirka walaaltinimada leh ee ka dhaxeeya labada dal, waxa uuna sheegay in ay kaalin muhiim ah siinayaan dib u dhiska Soomaaliya gaar ahaan dhanka amniga iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.