Guddoomiyaha G.Shacabka oo Maanta ku wajahan Magaalada Baydhaba

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa sheegaya in dib udhac uu shalay ku yimid  war-murtiyeedka shirka Madaxda dowlad Goboleedyada uga socda Magaalada Baydhaba.

Madaxda Maamul Goboleedyada oo shirkaan u ahaa kii labaad oo ay isugu tagaan tan iyo Markii ay ku dhawaaqeen Madasha ay ku mideysan yihiin oo la dhisay sanadkii hore 2017-kii,ayaa waxaa ay ku tilmaameen mid ka aragti duwan dowladda Soomaaliya.

Qorshaha ayaa shalay  ahaa in lasoo gunaanado guud ahaan shirka, isla markaana laga soo saaro Warmurtiyeed la xiriira waxyaabaha ay Madaxda Maamul Goboleedyada ay kawada hadleen ama ay isla meel dhigeen.

Ilo wareedyo ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa Mustaqbal u xaqiijiyay in maanta shalay uusan  dhicin wax kulan ah oo ay isugu tageen Madaxda Dowlad Goboleedyada, isla markaana uu jiro xiriir kaga yimid dhanka Dowladda Federaalka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa la filayaa in uu gaaro Magaalada Baydhabo, kulamo gaar-gaar ahna uu la qaato Madaxda Shanta Maamul Goboleed.

Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa Dowladda Federaalka ka aqbalay in ay dib u dhigaan Warmurtiyeedka shirkooda, kadib markii lagu qanciyay in lagala hadlayo tabashooyinkooda.

Shirka Baydhabo ee Madaxda Dowlad Goboleedyada doraad  ugu furmay waxa ay ugu wada hadleen, Dastuurka, Khilaafka kala dhaxeeya Dowladda federaalka, Amaanka, Fatahaadaha iyo qodobo kale.