Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa caawa kulan talo-wadaag ah la yeeshay qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda, si uu u dhageysto talooyinkooda ku aaddan horumarinta Magaalada Muqdisho.
Kulankan oo ka dhacay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, ayaa guddoomiyaha si gaar ah u dhegeystay aragtiyaha iyo talooyinka haweenkii ka soo qeybgalay. Waxyaabaha ay ka hadleen waxaa ka mid ahaa:
- Dardargelinta horumarinta Caasimadda
- Sugidda amniga
- Nadaafadda iyo bilicda magaalada
- Caafimaadka iyo waxbarashada
- Dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha
- Shaqo abuurka dhalinyarada
- Doorka haweenka ee hoggaanka iyo ka qeybgalka siyaasadda
- Hirgelinta doorashooyinka
- La dagaallanka maandooriyaha
Guddoomiye Maxamed Axmed Amiir ayaa caddeeyay in haweenka Soomaaliyeed ay yihiin tiir muhiim u ah dowladnimada, nabadda, iyo horumarinta bulshada. Wuxuu sidoo kale ballanqaaday in talooyinka qiimaha leh ee ay soo jeediyeen haweenka uu ku dari doono qorshihiisa siyaasadeed ee maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.