Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa casho sharaf sagootin ah u sameeyay Wafdiga Dowladda Djibouti ee maalmahaan Magaalada Muqdisho u joogay ka qeybgalka Bandhiga Filim-ka dib-u-curushada Qaranimada Soomaaliya.