Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab), ayaa si kulul uga digay dhaqdhaqaaqyada ay xubnaha mucaaradka ka wadaan magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhacdadii ka dhacday saldhigga degmada Warta Nabadda.
Mungaab ayaa cambaareeyay weerar lagu qaaday saldhigga booliska ee Wardhiigley, isagoo sheegay in aan la aqbali karin in Dhashiikeyaal lala hortago saldhig boolis lagana sii daayo maxaabiis. Wuxuu carabka ku adkeeyay in aysan suuragal ahayn in kursi lagu helo iyadoo dhiig shacabka lagu daadinayo.
Sidoo kale, Duqa Muqdisho wuxuu sheegay in hay’adaha amniga ay si dhow ula socdeen dhaqdhaqaaqyada mucaaradka, kuwaas oo damacsanaa in ay tagaan goobo ay ka mid yihiin Tarabuunka, Siinaay iyo meelo kale. Laakiin ciidamada ammaanka ayaa ka hortegay qorshahaasi.
Mungaab ayaa intaa ku daray in xubnaha mucaaradka ay jebiyeen xeerka xakameynta hubka, iyagoo hub culus la tegay saldhigga Warta Nabadda.
Is-rasaaseyntii dhacday ayaa sababtay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo ay ku lug lahaayeen ciidamo taabacsan siyaasiyiin ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaareyaashii hore Maxamed Xuseen Rooble, Xasan Cali Kheyre, iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.