Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Madaxa hey’adda qaxootiga adduunka ee (UNHCR)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Madaxa hey’adda qaxootiga adduunka ee (UNHCR) Mr. Filippo Grandi.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu warbixiyay Mudane Magatte in Magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin Barakacayaasha ugu badan ee kasoo barakacay Abaaraha iyo Colaadaha ka jira Gobolada dalka, iyadoona Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya Bulshadiisa ay gacan ka geysteen sidii gargaar loo gaarsiin lahaa, balse ay dadkaasi u baahan yihiin wax dhaafsiisan gargaar oo ah in xal waara loo helo

UNHCR iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa isla qaatay in Qorshe hortabineed oo wadajir ah ay ka yeeshaan sidii dib-u-dajin iyo shaqo abuur loogu sameen lahaa dadkaasi, isla markaana caruurtooda ay u heli lahaayeen Waxbarasho iyo Caafimaad si ay ula mid noqdaan bulshada inteeda kale, dhan kale Guddoomiye Madaale ayaa kulanka ka sheegay in maamulka Gobolka ay ka go’an tahay sidii Sanadka cusub ee 2023 xal waaro loogu heli lahaa dadka Barakacayaasha, iyo Qaxootiga ah.