Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta xarigga ka jaray Waddada Kalkaal ee degmada Kaxda, taas oo ah waddada ugu dheer ee uu hirgeliyay Maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana isku xirta degmada Kaxda iyo deegaanka Afgooye.
Munaasabadda xarig-ka-jarka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, agaasimayaal, guddoomiyeyaal degmo, culimo, odayaal dhaqameed, waxgarad iyo boqollaal ka mid ah shacabka deegaanka Kaxda, kuwaas oo si weyn u soo dhaweeyay hirgelinta mashruucan muhiimka ah.
Guddoomiye Dr. Muungaab oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay dardargelinta mashaariicda horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, isagoo carrabka ku adkeeyay in waddooyinku yihiin laf-dhabarta horumarka bulshada iyo isku xirka degmooyinka caasimadda.
“Dhismaha waddooyinku ma aha oo keliya horumar lagu soo celinayo bilicda, balse waa maalgashi lagu xaqiijinayo isku socodka bulshada, koboca dhaqaalaha iyo mustaqbalka caasimadda. Maamulka Gobolka Banaadir waxaa ka go’an inuu shacabka gaarsiiyo adeegyo tayo leh iyo kaabayaal waara,” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.
Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa xaqiijiyay in maamulka uu sii wadi doono fulinta mashaariic horumarineed oo lagu casriyeynayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, si kor loogu qaado bilicda caasimadda loona fududeeyo nolosha shacabka Muqdisho.
Ugu dambeyn, shacabka degmada Kaxda ayaa muujiyay farxaddooda ku aaddan dhismaha waddadan, iyagoo sheegay inay si weyn u fududeyn doonto isku socodka, ganacsiga iyo xiriirka bulshada ee gobolka.