Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo sheegay in ay ka shaqeynayaan soo celinta adeegyada Caafimaadka+sawiro

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa maanta xariga ka jaray xarunta MCH-ka degmada Shibis, isagoo dhinaca kale ku booqday Isbitaalka Soomaali Suudaaneys Hooyo Soomaaliyeed oo dhashay labo canug oo mataano isku dhegan ah.

Eng. Yarisow ayaa sheegay xaruntan cusub ee MCH ku ay kaalin mugleh ka geysan doonto horumarin adeegyada Caafimaadka Gobolka Benaadir, waxuna ku tilmaamay in guud ahaan dib loo howlgelin doonno xarumihii adeegga bulshada ee Caasimadda, si loogu adeeggo shacabka Soomaaliyeed.

“Xaruntan MCH ka degmada Shibis waxay kaalin mugleh ka qaadan doontaa sidii ay caafimaad wanaagsan ku heli lahaayeen bulshada ku nool degmada iyo guud ahaan Caasimadda, ka maamul ahaana waxaan ka shaqeyn doonnaa in shacabku helaan adeeg bulsho oo dhameystiran”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa ku booqday Isbitaalka Soomaali Suudaaneys Hooyo Soomaaliyeed oo dhashay labo ilmood oo isku dhagan, waxuna sheegay in maamulkiisu uu gacan siin doono bulshada nugul.

Maamulka Gobolka Benaadir ee hoggaamiyo Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii loo soo celin lahaa adeegyadii bulshada ee ku burburay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay, si loo soo celiyo kaalintoodii.