Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose oo la kulmay maamulka degmada Awdheegle

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose oo la kulmay maamulka degmada Awdheegle ee gobolkaasi ayaa kala hadlay la shaqeynta Ciidanka xoogga ee dhawaan la wareegay degmadaas.

Ibraahim Aadan Cali Najax oo La Hadley Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay iney safar dhulka ah ku gaareen degmada Awdheegle oo dhowaan laga saaray Al-Shabaab oo mudo sanado ah maamulayay.

Mudane Najax ayaa Sheegay in safarkiisa lugta ee ay ku gaareen degmada Awdheegle ay ku wehlinayeen guddoomiyaha degmada Awdheegle Maxmed Yarow, Taliyaha Ciidanka dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Genral Odowaa Yuusuf raage , Taliyaha qeybta booliska ee gobolka shabeellaha hoose Cabdi dheere, guddoomiye ku xigeenka maaliyadda gobolka Cabdifataax Xaaji cabdulle iyo guddoomiyaha ururka haweenka gobolkaas.

Guddoomiye Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada saraakiisha ciiidanka,isagoona bogaadiyay saraakiisha hoggaaminaysay hawlgalka dib loogu xoreynayay degmada Awdheegle iyo deegaanada kale.

Ugu dambeyn guddoomiye Ibraahim Aadan Cali aya qeybaha kala duwan ee Shacabka gobolka ka codsadey inay soo dhoweeyaan ciidamada meel walba ay gobolka ka joogaan si looga adkaado Al-Shabaab.