Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo gaaray magaalada Riyaad ee caasimada Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa lagu wadaa in uu kulamo la qaato dhigiisa dalkaas Dr Cabdullaahi bin Maxamed bin Ibraahim Aala Sheekh, iyaga oo wada hadaladooda diirada ku saari doona wadashaqeynta labada Baarlamaan.