Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim ah magaalada Arusha ee dalka Tanzania kula yeeshay Madaxweynaha Baarlamaanka Pan-Afrika (Pan-African Parliament), Mudane Fateh Boutbig.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Pan-Afrika, iyadoo labada dhinac ay is-weydaarsadeen aragtiyo ku saabsan arrimo khuseeya iskaashiga baarlamaannada Afrika iyo danaha guud ee qaaradda.
Intii uu kulanku socday, Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Madaxweynaha Baarlamaanka Pan-Afrika ayaa si gaar ah uga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo isku-xirka baarlamaannada Afrika, loona mideyn lahaa mowqifyada ku aaddan arrimaha danaha wadajirka ah ee qaaradda.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa diiradda saaray sare u qaadidda doorka baarlamaannada ee taageeridda nabadda, xasilloonida iyo horumarka Afrika, iyadoo la adkeynayo kaalinta ay hay’adaha sharci-dejintu ku leeyihiin xal u helidda caqabadaha ka jira qaaradda.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha Baarlamaanka Pan-Afrika, Fateh Boutbig, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo wada-tashiga iyo is-dhaafsiga aragtiyada u dhexeeya baarlamaannada Afrika, si loo xoojiyo iskaashiga iyo isku-duwidda mowqifyada ku saabsan arrimaha muhiimka ah ee qaaradda.
Waxa kale oo labada mas’uul ay isla garteen in iskaashi dhow oo dhex mara baarlamaannada Afrika uu gacan ka geysan karo xoojinta matalaadda iyo codka Afrika ee fagaarayaasha baarlamaaniga ah ee heer gobol iyo heer caalami.
Kulankan ayaa qeyb ka ahaa kulamada uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ka wado magaalada Arusha, halkaas oo uu kaga qeybgalayo Shirweynaha 153-aad ee Midowga Baarlamaannada Adduunka (IPU), kaas oo ay ka qeybgalayaan madax iyo xubno ka socda baarlamaannada dalal badan oo caalamka ah.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa kulanka ku wehliyey Xildhibaan Ismaaciil Ciid Maxamed, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tanzania iyo Bulshada Bariga Afrika, Danjire Ilyaas Cali Xasan, iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri).