Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo safar rasmi ah ku jooga Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Carta oo ka mid ah goobaha taariikhiga ah ee xusuusta gaarka ah ku leh shacabka Soomaaliyeed.
Magaalada Carta ayaa astaan u ah taariikhda, dib-u-heshiisiinta iyo walaaltinnimada ka dhexeysa shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa Jabuuti, iyadoo sidoo kale door muhiim ah ku lahayd dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya iyo soo celinta nabadda kaddib burburkii dowladdii dhexe.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Carta booqday Madxafka Taariikhda, oo ay horay xarigga uga jareen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Taallada Nabadda iyo goobihii ay ka dhaceen dhacdooyinkii muhiimka u ahaa dib-u-dhiska Jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya.
Booqashada Guddoomiyaha ayaa ahayd mid la xiriirta xusuusinta taariikhda iyo qiimaha ay magaalada Carta ku leedahay halgankii dib loogu soo dhisay dowladnimada Soomaaliyeed, iyadoo magaaladaasi ay martigelisay shirkii dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ee sannadkii 2000, kaas oo horseeday dhismaha dowladdii KMG ahayd.
Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida, dib-u-heshiisiinta iyo ilaalinta midnimada dalka.
Guddoomiyaha ayaa si gaar ah mahadnaq ugu jeediyey shacabka reer Carta, isagoo xusay kaalintii taariikhiga ahayd ee ay ku lahaayeen dadaalladii lagu soo celinayay dowladnimada Soomaaliya iyo martigelintii shirkii dib-u-heshiisiinta ee Carta.
Booqashadan ayaa muujinaysa xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinnimada soo jireenka ah ee ka dhexeysa Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo magaalada Carta ay weli tahay goob xusuus gaar ah ku leh taariikhda dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliyeed.