Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Guddoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan iyo wefdi uu hogaaminayay oo maalmahaan safar shaqo ku joogay dalka Koonfur Africa ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa dalka Koonfur Africa waxa uu kaga qeybgalay shirka baarlamaanada Africa oo ka dhacay dalkaas isaga oo intii uu ku sugnaa la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Africa.

Xildhibaano ka tirsan golha Shacabka ayaa goroonka ku soo dhaweeyay gudoomiyaha golaha Shacabka isla markana faah-faahin ka bixiyay safarkiisii iyo waxyaabihii u soo qabsoomay intii uu ku sugnaa Koonfur Africa.