Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Arusha ee dalka Tanzania, halkaas oo uu kaga qeyb galayo kulammo iyo shirar muhiim ah oo ay leeyihiin Baarlamaannada heer gobol iyo heer caalami.
Guddoomiyaha ayaa Arusha uga qeybgalaya Kulanka 21-aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Shirka 153-aad ee Golaha Midowga Baarlamaannada Adduunka (Inter-Parliamentary Union – IPU).
Kulamadan ayaa lagu wadaa in looga hadlo arrimo la xiriira iskaashiga baarlamaannada, xoojinta xiriirka hay’adaha sharci-dejinta, iyo sidii loo sii horumarin lahaa wada-shaqeynta baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah ururrada heer gobol iyo heer caalami.
Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Arusha waxaa kusoo dhoweeyey Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tanzania iyo Bulshada Bariga Afrika, Danjire Ilyaas Cali Xasan, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha diblomaasiyadeed ee dalka.
Inta uu ku sugan yahay magaalada Arusha, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo kulamada qorsheysan, isagoo Soomaaliya ku metelaya doodaha iyo ajendayaasha la xiriira doorka baarlamaannada ee horumarinta dowladnimada, dimuqraadiyadda, nabadda iyo iskaashiga dalalka gobolka.
Shirarka EAC iyo IPU ayaa sidoo kale fursad u ah madaxda baarlamaannada iyo wakiillada dalalka kala duwan inay is dhaafsadaan aragtiyo iyo waayo-aragnimo ku saabsan shaqada sharci-dejinta, xiriirka baarlamaanka iyo bulshada, iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha sharci-dejinta.
Ka qeybgalka Soomaaliya ee shirarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ku xoojinayo xiriirka uu la leeyahay baarlamaannada dalalka gobolka iyo hay’adaha baarlamaannada ee heer caalami.