Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Kormeeray Hawlaha Dib-u-dhiska iyo Casriyeynta Xarunta Villa Hargeysa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa maanta kormeer ku sameeyey qayb ka mid ah xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, halkaas oo ay ka socdaan hawlo dib-u-dhis, dayactir iyo casriyeyn ah.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu ku doonayo dardargelinta horumarinta iyo casriyeynta xarumaha Golaha, si loo helo kaabayaal iyo xafiisyo shaqo oo tayo leh, una fududeeya gudashada waajibaadka shaqo ee hay’adda sharci-dejinta dalka.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, Guddoomiyuhu wuxuu si dhow ugu kuurgalay heerka ay marayaan hawlaha dib-u-dhiska iyo dayactirka, tayada shaqada socota iyo habsami-u-socodka qorshayaasha lagu horumarinayo xarunta. Waxa uu sidoo kale qiimeeyey dadaallada lagu casriyeynayo goobaha shaqada ee xarunta Guddoonka iyo Guddiyada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa intii uu kormeerku socday faray masuuliyiinta iyo shaqaalaha ku hawlan hawlaha dib-u-dhiska iyo dayactirka in shaqada loo fuliyo si hufan oo tayo leh, iyadoo la ilaalinayo heerarka looga baahan yahay dhismaha iyo casriyeynta xarumaha dowladda.

Waxa uu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in Golaha Shacabka loo helo xarumo shaqo oo casri ah, habboon, isla markaana daboolaya baahiyaha shaqo ee Guddoonka, guddiyada iyo xildhibaannada Golaha. Arrintan ayaa muhiim u ah fududeynta howlaha maalinlaha ah iyo gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee Golaha Shacabka.

Sidoo kale, casriyeynta xarumaha Golaha ayaa qayb ka ah qorshaha guud ee lagu horumarinayo kaabayaasha iyo adeegyada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si goobaha shaqadu ula jaanqaadaan baahiyaha hay’adaha sharci-dejinta ee casriga ah.

Tallaabadan ayaa muujinaysa dadaallada lagu horumarinayo xarumaha Golaha Shacabka, iyadoo la doonayo in la abuuro jawi shaqo oo ku habboon hawlaha sharci-dejinta, maamulka iyo adeegyada ay qabtaan hay’adaha kala duwan ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.