Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo howlo shaqo u jooga magaalada Baydhabo, oo ah caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay sii hayeyaasha wasiirrada maamulkaas.
Kulanka oo ahaa mid diiradda lagu saaray xaaladda guud ee shaqooyinka dowlad goboleedka iyo dardargelinta adeegyada bulshada, ayaa Guddoomiyuhu markii uu furay wuxuu faahfaahin ka bixiyay ujeedka safarka wafdiga uu hoggaaminayo. Wuxuu tilmaamay in socdaalkiisu uu la xiriiro kormeer iyo xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, si loo hubiyo in adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada ay si hufan u socdaan.
Guddoomiyaha ayaa si gaar ah ugu baaqay mas’uuliyiinta wasaaradaha Koonfur Galbeed in ay laba jibaaraan dadaalladooda shaqo, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo sababi kara hakad ku yimaada adeegyada loo fidiyo shacabka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in xilligan uu yahay mid u baahan masuuliyad dheeraad ah, maadaama bulshada ay si weyn ugu tiirsan tahay hay’adaha dowliga ah.
Sidoo kale, mas’uuliyiintii ka socotay wasaaradaha kala duwan ee dowlad goboleedka ayaa guddoomiyaha iyo wafdigiisa siiyey warbixino faahfaahsan oo ku saabsan howlaha ay hayaan, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha mustaqbalka. Waxay tilmaameen dadaallada ay ku bixinayaan horumarinta adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, iyo maamulka guud.
Intii uu socday kulanka, waxaa sidoo kale la isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta, si loo helo kalsoonida shacabka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku booriyay masuuliyiinta inay si joogto ah ula xiriiraan bulshada, una dhegeystaan baahiyahooda si loo helo adeegyo waxtar leh oo la jaan qaadaya duruufaha jira.
Ugu dambeyn, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed inay sii wadaan shaqadooda inta laga gaarayo doorashooyin loo dhan yahay oo ay bulshada deegaanka ku qanacsan tahay. Wuxuu xusay in xasilloonida iyo horumarka ay ku xiran yihiin sida ay hay’aduhu u gutaan waajibaadkooda.