fbpx
Home Wararka Maanta Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay musharaxiinta Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay musharaxiinta Koonfur Galbeed

 

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xalay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kulan kula yeeshay ilaa Todobo musharax oo u taagan qabashada xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Xubnaha kulankan ka qeyb galay waxaa ka mid ah wadaadka Sheekh Muqtaar Roobow (Abuu Mansuur), Wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Farkeeti wasiirkii hore, Yusuf Baadiyow iyo Aamino Mursal.

Marka laga reebo Sheekh Muqtaar Roobow oo aan weli shaacin inuu musharax yahay, dhammaan xubnaha kale waxa ay yihiin musharaxiin u taagan u loolamida hoggaanka ugu sareeya ee Koonfur Galbeed.

Kulankan oo ilaa xalay waqti dambe socday ayaa waxaa looga hadlay doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed iyo inay muhiim tahay inuu isbedel ku yimaado hoggaanka hada talada haya ee Koonfur Galbeed.

Musharaxiinta oo Sabtida sida uu qorshaha yahay tagaya magaalada Baydhabo ayaa guddoomiyaha golaha shacabka waxa ay si gaar ah uga xog wareysteen sida ay lagama maar maan u tahay in isbedel uu ku dhaco maamulka Koonfur Galbeed ee hada talada haya, maadaama guddoomiye Maxamed Mursal uu degaan ahaan ka soo jeedo KGS.

Musharaxiinta ugu cad cad ee la saadaalinayo inay tartan adag la geli karaan madaxweynaha Koonfur Galbeed oo laftirkiisa musharax ah ayaa waxaa ka mid ah Sheekh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo taageero ka helaya dowladda Mareykanka iyo Wasiirkii horfe ee maaliyadda Maxamed Farkeeti.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo walaac badan ka muujinaya musharaxiintan isbaheystay ayaa booliska ku amray inay xadidaan dhaq dhaqaaqa musharaxiinta, balse lama oga sida ay wax noqon karaan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sida muuqata ku hawlan sidii uu kursiga ugu guuleysan lahaa musharax dhankeeda ka socda oo ay maalgeliso, bacdamaa hada xiriir wanaagsan uusan kala dhaxeyn Shariif Xasan Sheekh Aadan.