Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Maanta Siweyn Loogu Soo Dhaweeyay Muqdisho

Magalada Muqdisho waxaa Goordhow soo gaaray wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,iyada oo siweyn loo soo dhaweeyay.

Guddoomiyaha ayaa waxaa Maanta si ka duwan sidii hore u soo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka,oo u badan Xubnihii Guddiga Maaliyadda iyo Xildhibaano kale.

Soo dhaweyn kadib hadal kooban oo uu saxaafada siiyay ayuu sheegay in wixii Shaqo ah Xaruntooda ay uga hadli doonaan,hayeeshee uu ku faraxsan yahay soo dhaweynta loo sameeyay.

Soo dhaweynta Guddoomiye Mursal ayaa waxaa ka dhex muuqtay Xildhibaano iska-soo horjeeday kuwaas oo Maanta siweyn Garoonka Diyaaradah ugu soo dhaweeyay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa intii uu ku sugnaa dalka turkiga Wareysi uu bixiyay waxa uu ku sheegay in inuu eegaayo xeer hoosaadka Golaha Shacabka waxa uu ka qabo kala diristii lagu sameeyay Guddiga Maaliyadda.