Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta u amba baxay Jabuuti

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafddi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba baxay dalka Jabuuti.

Wafdiga Gudoomiyaha ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Ujeedada safarka wafdiga guddoomiyaha ayaa ah sidii ay uga qeybgali lahaayeen xuska maalintii Jabuuti ay gumeystihii Faransiisku ka xorowday ee 27 June.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa inta uu joogo dalka Jabuuti waxaa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda dalka Jabuuti,sida madaxweynaah iyo guddoomiyaha baarlamaanka dalkaasi.