Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Qaabilay Safiirka Cusub ee Türkiye u Fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Türkiye u fadhiya Soomaaliya, Danjire Ferhat Alkan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah, walaaltinimada iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye, kaas oo ku dhisan is-ixtiraam, kalsooni iyo danaha wadajirka ah ee labada dal.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo safiirka cusub ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga siyaasadeed, horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo dardargelinta wada-shaqeynta labada dowladood.

Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Dowladda iyo shacabka Türkiye uga mahadceliyay taageerada joogtada ah iyo garab istaagga ay u fidiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa si gaar ah u xusay mashaariicda wax-ku-oolka ah ee Türkiye ay ka hirgelisay Soomaaliya iyo kuwa ay hadda waddo, kuwaas oo muhiim u ah horumarinta dalka, xoojinta xiriirka labada dhinac iyo dhismaha mustaqbal wanaagsan oo ay wadaagaan shacabka Soomaaliya iyo Türkiye.

Dhankiisa, kulanka uu safiirku la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu sii xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, iyadoo Türkiye ay ka mid tahay dalalka sida dhow ula shaqeeya Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Safiirka cusub ee Türkiye u fadhiya Soomaaliya, oo uu wehliyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, ayaa kormeer ku sameeyay dhismaha xarunta Golaha Shacabka iyo goobta ay ka dhacaan kulamada guud ee Golaha.

Kormeerka ayaa fursad u ahaa safiirka cusub inuu xog dheeraad ah ka helo xarunta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo goobaha ay ka qabsoomaan kulamada xildhibaannada.

Kulankan ayaa muujinaya muhiimadda uu xiriirka Soomaaliya iyo Türkiye u leeyahay labada dal, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, iskaashiga siyaasadeed iyo taageerada mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya.