Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Guddiga Joogtada ah, kaas oo ka qabsoomay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa. Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb gashay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.
Furitaanka kulanka, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa jeediyay warbixin ku saabsan howlaha Golaha, gaar ahaan meelmarinta shuruucda lagu xoojinayo dhismaha dowladnimada. Wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dhaqan-gelinta sharciyada horseedaya doorasho qof iyo cod ah, isagoo ammaanay dadaalka Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee ku aaddan diiwaangelinta shacabka.
Xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa kulanka ku falanqeeyay ajendayaasha mudnaanta u leh kalfadhiga toddobaadkan, iyagoo diiradda saaray qorshayaasha shaqo ee Golaha toddobaadka soo socda.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa soo xiray kulanka, isagoo bogaadiyay shaqada ay wadaan guddiyada Golaha, gaar ahaan doorkooda korjoogteynta wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda ee ay u xilsaaran yihiin.