Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Shir-guddoomiyey Kulanka 7-aad ee Guddiga Joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa shir-guddoomiyey kulanka 7-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka, kaas oo ka dhacay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka furay ayaa guddiga ku bogaadiyey dadaallada ay ku bixinayaan gudashada waajibaadkooda shaqo iyo horumarinta howlaha sharci-dejinta.

Sidoo kale, Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri), ayaa guddiga siiyey warbixin ku saabsan Hindise-Sharciyeedyada horyaalla guddiyada Golaha, marxaladaha kala duwan ee ay marayaan iyo waqtiga loo qorsheeyey in loo soo gudbiyo fadhiyada guud ee Golaha Shacabka.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay caqabadaha jira ee u baahan in xal loo helo, si loo dardargeliyo howlaha sharci-dejinta.

Ugu dambeyn, xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa ajande iyo jadwal u sameeyey kulamada guud ee Golaha Shacabka ee toddobaadka soo socda, iyagoo dejiyey qorsheyaal lagu dardargelinayo howlaha horyaalla Golaha. Sidoo kale, guddigu wuxuu ansixiyey hadal-qoraalka kulankii 6-aad ee Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo kulanka soo xiray, ayaa xubnaha guddiga kula dardaarmay inay sii xoojiyaan dadaallada ku aaddan gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, dardargelinta howlaha sharci-dejinta iyo xaqiijinta in howlaha Golaha Shacabka ay u socdaan si hufan oo waafaqsan qorshayaasha shaqo.