Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wiil kii ku guuleytay tartankii Qur’aanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Amb Mohamed Mursal Sheikh ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Axmed Burhaan Maxamed oo ku soo guuleystay tartanka Qur’aanka ee Dubai lagu qabtay.

Kulanka oo ahaa mid qado ah ayaa waxa ku wehlinaayay Aabe Burhaan Maxamed, Macalin Cabdinaasir Maxamuud Faarax oo ah macalinkiisa Qur’aanka Kariimka iyo Sheekh Maxamed C/llaahi oo ka tirsan madaxda Masjidka Abuubakar Sadiiq ee Minneapolis.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay inuu aad ugu farxay guusha uu Axmed Burhaan ka gaaray tartankii Qur’aanka ee Dubai lagu qabtay.

“ Waxa idiin kaga mahad celinaya sida wanaagsan ee aad iga aqbasheen casuumaada aan idiin fidiyay, guusha aad gaartay waa guul weyn oo Soomaali dhan farxad gelisay, waan kaaga mahad celinaya dadaalka aad sameysay” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa sheegay in muhiimada kulankan uu yahay mid dhiira gelin ah, guushaana ay tahay guul Qaran.

“ Runtii golaha shacabka aad ayuu usoo dhaweeyay guushan, waxan ka shaqeynaya sidii maamuus sare loogu sameyn lahaa dhalinyarada guulaha noocaan oo kale ah Qaranka usoo hooyay” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha.

Axmed Burhaan Maxamed oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay la kulanka iyo casuumaadda guddoomiyaha golaha shacabka.

“ Waa ku faraxsanahay sida la ii casuumay oo la ii sharfay maanta, kulankan Waxaa ku qiyaasaya maamuus iyo ixtiraam aad u badan oo la ii sameeyay, dhiira gelin weyn ayay ii tahay”. ayuu yiri Axmed Burhaan Maxamed.

Kulanka waxa gooboog ka ahaa Habdhowraha golaha shacabka Mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan “ Nuux “ iyo Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka.

Axmed Burhaan ayaa ku guuleystay abaal marinta Dubai ee caalamiga ah, isagoo ka guuleystay in ka badan 100 qof oo ka kala yimid dalal badan.