Guddoomiyaha Golaha Shacabka Somaaliya Oo Gaaray Dalka Turkiga

Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo Dalka Jordan uga soo qeyb galay Shirkii Midowga Baarlamaanada Carabta ayaa soo gabageeyay socdaalkii halkaasi ku joogay.

Guddoomiye Musal iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka soo kicitimay Magaalada Cammaan ee Dalka Jordan ayaa gaaray Magaalada Ankara ee dalka Turkiga,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

Waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Ankara Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Turkiga iyo xubno kale.

Xafiiska Warfaafinta Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan faah faahin dheeraad ah kama bixin Ujeedka uu u gaaray Dalka Turkiga.