Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo shir guddoomiyey kulanka labaad ee kalfadhiga 8-aad Golaha Shcabka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulanka labaad ee kalfadhiga 8-aad, kaas oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Kulanka ayaa ku furmay kooram dhan 141 Xildhibaan, waxaana ajandaha ugu horreeyay ahaa ansixinta xubinta ka bannaanayd Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka, iyadoo Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ay soo gudbisay magacaabista Maxamed Xasan Nuur.

Xildhibaanada ayaa cod u qaaday Maxamed Xasan Nuur, kaas oo loo soo xushay inuu buuxiyo booska ka bannaanaa Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka. Natiijada codbixinta ayaa noqotay in 141 Xildhibaan ay oggolaadeen, halka 2 Xildhibaan ay diideen, iyadoo aysan jirin Xildhibaano ka aamusay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa sheegay natiijada codbixinta, isagoo xusay in xubinta cusub ay sidaas ku heshay kalsoonida Golaha.

Intii uu kulanku socday, Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa sidoo kale loo qeybiyay dhowr hindise sharciyeed iyo heshiisyo caalami ah oo ay ka mid yihiin Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dakhliga Qaranka, Hindise Sharciyeedka wax-ka-beddelka Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Sharciga Lr. 130 ee 20-kii Abriil 2012, iyo Borotokoollada kaabaya afarta Axdi ee Geneva ee 1949-kii.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa soo xiray kulanka, isagoo Xildhibaanada uga mahadceliyay ka soo qeybgalka iyo shaqada ay u hayaan Golaha. Waxa uu sidoo kale ugu baaqay Xildhibaanada inay xoogga saaraan dhammeystirka iyo ka shaqeynta shuruucda muhiimka ah ee horyaalla Golaha inta lagu guda jiro kalfadhiga 8-aad.