Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland oo Shir-Guddoomiyay Fadhiga 6-aad ee Kalfadhiga 58-aad

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Cabdiirisaaq Axmed Siciid, ayaa maanta shir-guddoomiyay fadhiga 6-aad ee Kalfadhiga 58-aad ee Golaha Wakiillada Puntland, iyadoo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha, Mudane Maxamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Maxamed Maxamuud Ciise.

Fadhiga maanta ayaa ajandihiisu ahaa sii wadista dhageysiga warbixinno ay soo jeedinayeen guddiyada kala duwan ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, kuwaas oo ka warbixinayay hawlihii iyo kormeeradii ay sameeyeen muddadii u dambeysay.

Intii uu socday fadhigu, Golaha Wakiillada ayaa warbixinno ka dhageystay guddiyada kala ah Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah, iyo sidoo kale Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha. Guddiyadan ayaa Golaha la wadaagay natiijooyinka shaqooyinkii iyo daraasado ay sameeyeen, kuwaas oo la xiriiray horumarinta adeegyada iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland.

Sidoo kale, fadhiga ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan kormeerro ay xildhibaannadu ku tageen degmooyin ka tirsan gobollada Karkaar, Mudug iyo Nugaal, halkaas oo ay ku soo qiimeeyeen xaaladda guud ee adeegyada bulshada iyo horumarka ka socda deegaanadaas.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo iyo faahfaahin dheeraad ah ka waydiiyay guddiyada warbixinadii ay soo jeediyeen iyo natiijooyinkii kormeerrada, iyagoo si qoto dheer uga dooday sidii loo xoojin lahaa isla xisaabtanka iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Fadhiga Golaha ayaa lagu soo gabagabeeyay is-faham iyo adkeyn lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay in la sii dardargeliyo shaqooyinka Golaha Wakiillada, si loo xaqiijiyo horumar waara iyo adeegyo tayo leh oo ay helaan shacabka Puntland.