Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQ&S), Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, iyo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga, Mudane Saadiq Abshir Garaad, oo ay weheliyaan xubnaha Guddiga, ayaa kulan dardaaran ah kula yeeshay xarunta dhexe ee Guddiga howl-wadeennada ka shaqaynaya goobaha codbixinta ee doorashada lagu wado inay qabsoonto 25-ka bisha December.
Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa diyaarinta iyo wacyigelinta howl-wadeennada doorashada, si ay si hufan, daah-furan, isla markaana waafaqsan shuruucda doorashooyinka u gutaan waajibaadkooda maalinta codbixinta. Guddoomiyaha Guddiga ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta kalsoonida dadweynaha, sugidda ammaanka sanduuqyada codbixinta, iyo hubinta in cod-bixiyeyaasha ay helaan adeeg caddaalad ah.
Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga ayaa ku boorriyay howl-wadeennada in ay muujiyaan anshax sare, dhexdhexaadnimo buuxda, iyo u hoggaansanaan habraacyada loo dejiyay doorashada, si looga fogaado khaladaad saamayn kara natiijada doorashada.
Xubnaha Guddiga ee kulanka ka hadlay ayaa iyaguna xusay in mas’uuliyadda saaran howl-wadeennada goobaha codbixinta ay tahay mid qaran, isla markaana ay door weyn ka qaadanayaan hirgelinta doorasho xor iyo xalaal ah.
Ugu dambeyn, howl-wadeennada doorashada ayaa muujiyay diyaar garow buuxa iyo ka go’naansho ay ku fulinayaan waajibaadkooda si waafaqsan sharciga iyo tilmaamaha Guddiga, iyaga oo ballan-qaaday in ay ka shaqayn doonaan guul ka soo hoyda doorashada 25-ka December.