Guddoomiyaha Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariim Axmed Cali, ayaa ku dhawaaqay in Doorashada Goleyaasha Deegaanka ee degmooyinka Gobolka Banaadir la qaban doono dhammaadka bisha November ee sannadkan 2025.
Guddoomiye Cabdikariim oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta guddiga doorashooyinka ayaa shacabka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan ka qeybgalka doorashada, isagoo xusay in qof kasta oo ku nool magaalada Muqdisho laga doonayo inuu ka qeyb qaato doorashada ku saleysan habka qof iyo cod.
“30-ka Bisha November, qof kasta oo ku nool Muqdisho waa inuu isku diyaariyaa sidii uu u codeyn lahaa Doorashada Golaha Deegaanka,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdikariim.
Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu farriin u diray ururrada siyaasadeed ee diiwaangashan, isaga oo ugu baaqay inay soo dhammeystiraan shuruudaha sharciyadooda, gaar ahaan in si rasmi ah ay u soo gudbiyaan summadooda xisbiyadeed.
Dhawaan ayay ahayd markii Guddiga Doorashooyinka uu shaaciyay in doorashada Golaha Deegaanka la qaban doono dhammaadka bisha October, hase yeeshee dib u dhac aan si rasmi ah loo shaacin sababtiisa ayaa keenay in jadwalkii doorashada uu is beddelo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ku bixinaysa sidii ay dalka uga hirgelin lahayd doorashooyin qof iyo cod ah, gaar ahaan kuwa Goleyaasha Deegaanka, si loo xoojiyo dimuqraadiyadda iyo ka qeybgalka dadweynah.