Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa magaalada Sharma El-Sheikh ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar kaga qaybgalay Madasha 10-aad ee Guddiyada Doorashooyinka Afrika, oo ah madal sannadle ah oo ay isugu yimaadaan madaxda guddiyada doorashooyinka dalalka Afrika si ay uga wada hadlaan horumarinta nidaamyada doorashooyinka, isdhaafsiga khibradaha, iyo xoojinta geeddi-socodka dimuqraadiyadda ee qaaradda.
Madashan oo ay ka soo qaybgaleen guddoomiyeyaasha guddiyada doorashooyinka, khubaro ku takhasusay maamulka doorashooyinka, wakiillo ka socday Midowga Afrika, ururrada caalamiga ah iyo hay’adaha taageera dimuqraadiyadda, ayaa sanadkan si gaar ah diiradda loogu saaray ka qaybgalka muwaadiniinta Afrikaanka ah ee ku nool dalalka dibadda iyo sidii loogu abuuri lahaa hannaan sharci iyo farsamo oo u suurtagelinaya inay codkooda ka dhiibtaan doorashooyinka dalalkooda.
Doodaha madasha waxaa lagu falanqeeyey muhiimadda ay leedahay xaqiijinta xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta qurbo-joogta ah, iyadoo la diyaarinayo sharciyo iyo xeerar qeexaya habka ay uga qaybqaadan karaan doorashooyinka. Waxa kale oo lagu soo bandhigay waayo-aragnimada dalal badan oo Afrikaan ah oo hirgeliyey nidaamyada codbixinta dibadda, iyadoo la falanqeeyey hababka ugu habboon ee loo adeegsan karo safaaradaha, qunsuliyadaha iyo xarumaha kale ee diblomaasiyadeed si ay u noqdaan goobaha codbixinta ee muwaadiniinta ku nool dibadda.
Intii uu shirku socday, waxaa sidoo kale lagu gorfeeyey doorka tiknoolojiyadda casriga ahi ku leedahay fududeynta diiwaangelinta codbixiyeyaasha, xaqiijinta aqoonsigooda, ilaalinta amniga xogta doorashada iyo kor u qaadista hufnaanta geeddi-socodka codbixinta. Ka qaybgalayaashu waxay isla qaateen in iskaashiga u dhexeeya guddiyada doorashooyinka Afrika uu muhiim u yahay horumarinta nidaamyo doorasho oo la isku halayn karo, loo dhan yahay, isla markaana waafaqsan heerarka caalamiga ah.
Soomaaliya, oo ka mid ah dalalka Afrika ee leh qurbo-joogta ugu badan ee ku nool daafaha caalamka, ayaa u aragta ka qaybgalka madashan mid muhiim u ah dadaallada lagu dhisayo hannaan doorasho oo loo dhan yahay, kaas oo siinaya dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed fursad siman oo ay kaga qaybqaataan go’aan ka gaarista mustaqbalka dalkooda, iyadoon loo eegayn halka ay dunida ka joogaan.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa sheegay in Guddigu uu ka shaqeynayo diyaarinta qorshayaal iyo daraasado lagu qiimeynayo hababka ugu habboon ee mustaqbalka loogu hirgelin karo codbixinta qurbo-joogta Soomaaliyeed. Wuxuu xusay in arrintani u baahan tahay iskaashi dhow oo dhex mara hay’adaha dowladda, safaaradaha Soomaaliya, bahwadaagta caalamiga ah iyo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dibadda.
Intii uu ku sugnaa magaalada Sharma El-Sheikh, Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka qaybgalay shirka Guddoomiyeyaasha Guddiyada Doorashooyinka Afrika, halkaas oo lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan doorashooyinkii ugu dambeeyey ee ka qabsoomay dalal kala duwan oo Afrika ah. Kulankaas waxaa lagu lafaguray casharradii laga bartay doorashooyinkaas, caqabadihii la soo maray iyo xalalka lagu horumarin karo maamulka doorashooyinka qaaradda.
Guddoomiyaha ayaa madasha ka jeediyey warbixin uu ku soo bandhigay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinaca doorashooyinka, isagoo si gaar ah uga hadlay doorashooyinkii Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee ka qabsoomay Gobolka Banaadir iyo Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Wuxuu sharaxay tallaabooyinka muhiimka ah ee ay Soomaaliya qaaday si loo xoojiyo geeddi-socodka dimuqraadiyeynta, loo ballaariyo ka qaybgalka shacabka, loona dhiso hannaan doorasho oo ku saleysan hufnaan, daahfurnaan iyo kalsooni.
Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyey in Soomaaliya ay ka go’an tahay sii wadidda dib-u-habaynta nidaamka doorashooyinka, dhismaha hay’ado awood leh oo madax-bannaan, iyo kor u qaadista awoodda farsamo ee Guddiga si loo xaqiijiyo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo waafaqsan Dastuurka iyo heerarka caalamiga ah.
Ka qaybgalka Soomaaliya ee Madasha 10-aad ee Guddiyada Doorashooyinka Afrika ayaa ka tarjumaya doorka sii kobcaya ee dalka uu ku leeyahay iskaashiga qaaradda ee la xiriira maamulka doorashooyinka. Sidoo kale, wuxuu caddeyn u yahay dadaallada joogtada ah ee Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee lagu dhisayo nidaam doorasho oo casri ah, loo dhan yahay, isla markaana awood u siinaya dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed inay si xor ah uga qaybqaataan geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo dhismaha dowladnimo waarta.