Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed, Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan gaar ah la yeelatay Danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Cabdullaahi bin Saalim Al-Nucaymi, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada xuquuqda aadanaha iyo horumarinta hay’adaha la xiriira.
Kulankan oo ka dhacay Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo adkayn lahaa xiriirka shaqo ee u dhexeeya Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed iyo Guddiga Qaranka Xuquuqda Aadanaha ee Dowladda Qatar. Labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin is-dhaafsiga khibradaha farsamo, dhisidda awoodda hay’adaha xuquuqul insaanka, iyo horumarinta nidaamyada maamulka iyo la socodka xuquuqda aadanaha.
Sidoo kale, waxaa la isla gartay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo tababarada iyo horumarinta xirfadaha shaqaalaha ka shaqeeya xuquuqul insaanka, si loo hubiyo in la gaaro heerarka caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda aadanaha. Arrimaha kale ee kulanka lagu falanqeeyay waxaa ka mid ahaa diyaarinta iyo tayeynta warbixinnada xuquuqda aadanaha, iyo sidoo kale kormeerka goobaha lagu hayo maxaabiista, si loo xaqiijiyo in xuquuqdooda la ilaaliyo.
Maryam Qaasim ayaa uga mahadcelisay Dowladda Qatar taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan kaalinta ay ka qaadatay arrimaha xuquuqda aadanaha iyo horumarinta hay’adaha. Waxay sidoo kale xustay taageeradii muhiimka ahayd ee Qatar ay ka geysatay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay iyo qaraarka muhiimka ah ee tirsigiisu yahay A/HRC/60/L.14.
Dhinaca kale, Danjiraha Cabdullaahi bin Saalim Al-Nucaymi ayaa dhankiisa adkeeyay sida Dowladda Qatar ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta hay’adaha xuquuqul insaanka iyo kor u qaadista awoodda hay’adaha qaran.
Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta joogtada ah ee u dhexeysa hay’adaha xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya iyo Qatar, si loo horumariyo loona ilaaliyo xuquuqda aadanaha iyadoo la raacayo heerarka caalamiga ah iyo Mabaadi’da Paris.