Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed, Maryan Qaasim, ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Brian James Williams, oo ah Madaxa Waaxda Maalgelinta Sanduuqa Dhismaha Nabadda ee Qaramada Midoobay (UN Peacebuilding Fund).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta u dhaxaysa Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada taageerada dhismaha nabadda, horumarinta xuquuqda aadanaha, iyo kobcinta hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya.
Intii uu kulanku socday, Brian James Williams ayaa ku ammaanay Guddiga dadaallada muuqda iyo horumarka ay sameeyeen muddadii koobnayd ee uu guddigu shaqeynayay, isagoo tilmaamay in ay muujiyeen karti iyo dadaal wax ku ool ah oo lagu horumarinayo ilaalinta iyo dhowrista xuquuqda aadanaha ee dalka.
Wuxuu sidoo kale xusay in taageerada Qaramada Midoobay ay sii socon doonto, gaar ahaan barnaamijyada la xiriira dhismaha nabadda, xoojinta hay’adaha cadaaladda, iyo horumarinta nidaamyada ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Dhankeeda, Guddoomiye Maryan Qaasim ayaa uga mahadcelisay wafdiga booqashada ay ku yimaadeen xarunta Guddiga, iyo taageerada joogtada ah ee Qaramada Midoobay ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada xuquuqda aadanaha iyo dhismaha nabadda.
Waxay sidoo kale adkaysay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta labada dhinac si loo gaaro natiijooyin waara oo lagu horumarinayo xuquuqda aadanaha, nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku saabsan sii wadidda iyo xoojinta iskaashiga farsamo ee u dhexeeya labada dhinac, si loo dardargeliyo barnaamijyada horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha ee dalka.