Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), Maryan Qasim, ayaa maanta xarunta Guddiga ee magaalada Muqdisho ku qaabishay Wakiilka cusub ee Joogtada ah ee Hay’adda UNDP Soomaaliya, Mudane Christophoros Politis, iyo wafdi uu hoggaaminayay.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta u dhexeysa Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka iyo Hay’adda UNDP Soomaaliya, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo sii horumarin lahaa taageerada iyo wada shaqeynta labada hay’adood.
Qodobada kulanka looga hadlay waxaa kamid ahaa dhismaha iyo horumarinta hay’adda, kobcinta awoodda shaqo ee Guddiga, xoojinta isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta, iyo horumarinta hannaanada lagu la socdo xaaladda xuquuqul insaanka ee dalka.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyay muhiimadda ay leedahay tayeynta hababka diyaarinta warbixinnada xuquuqul insaanka, maaraynta cabashooyinka shacabka iyo sidii loo xoojin lahaa awoodda Guddiga ee gudashada waajibaadka loo igmaday.
Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya, Mudane Christophoros Politis, ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay Hay’adda UNDP uga go’an tahay taageeridda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, si uu u noqdo hay’ad xooggan, madax-bannaan oo awood u leh inay si wax-ku-ool ah ugu adeegto shacabka Soomaaliyeed.
Mudane Politis ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo awoodda hay’adaha qaranka ee u xilsaaran ilaalinta iyo horumarinta xuquuqul insaanka, isagoo muujiyay in UNDP ay diyaar u tahay inay sii waddo taageerada iyo iskaashiga ay la leedahay Guddiga.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa qaar kamid ah xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Agaasimaha Guud ee Guddiga iyo la-taliyayaal, kuwaas oo qeyb ka ahaa wada-hadallada ku saabsan qorshayaasha iyo howlaha wadajirka ah ee labada dhinac.
Dhammaadkii kulanka, labada dhinac ayaa isku raacay in la sii ambaqaado iskaashi muddo-dheer ah oo lagu xoojinayo waxqabadka Guddiga, kor loogu qaadayo awooddiisa shaqo, isla markaana lagu taageerayo gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee Guddiga.
Wada-shaqeyntan ayaa muhiim u noqon karta dadaallada lagu horumarinayo ilaalinta xuquuqul insaanka, isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta, iyadoo la xoojinayo hay’adaha qaranka ee u xilsaaran u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.