Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan (NDMA)

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan, ayaa booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan (NDMA), halkaasoo uu si diirran ugu soo dhaweeyay dhiggiisa General Inam Haider Malik, oo ay wehliyaan hoggaanka sare ee NDMA.
Guddoomiyaha SoDMA oo kulan wax-ku-ool ah la yeeshay Guddoomiyaha NDMA ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyay waaxyaha kala duwan ee hay’adda iyo nidaamyada casriga ah ee maareynta masiibooyinka ee dalka Bakistaan.
U jeedka booqashadan ayaa ah is-weydaarsiga khibradaha, wadaagidda aqoonta, iyo xoojinta awoodaha hay’adaha, iyada oo la tixgelinayo waayo-aragnimada NDMA Pakistan iyo dadaallada SoDMA ee ku aaddan dhismaha nidaam qaran oo lagu maareyn karo masiibooyinka dalka.
Guddoomiyeyaasha SoDMA iyo NDMA Maxamuud iyo Maalik ayaa si buuxda isugu afgartay xoojinta iskaashi farsamo oo joogto ah, kaas oo ku saleysan wada-shaqayn, is-dhaafsi aqoon, iyo dhisidda nidaamyo maareyn oo adkaysi iyo waxtar rasmi ah leh bolshooyonka labada waddan.