Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Liibaan Cabdi Cigaal, oo ay wehliyaan Sii-hayaha Howl-galka Ururka Midowga Yurub, Marwo Karin Gatt-Rutter, iyo Madaxa Mashaariicda Ururka Midowga Yurub, Marwo Isabelle Ribot, ayaa maanta booqasho ku tagay Xarunta Soo-dhoweynta iyo Dib-u-dejinta Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.
Xarunta ayaa waxaa ku sugan muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo celiyey dalal kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Libya, Aljeeriya, Suudaan iyo Sacuudi Carabiya. Muwaadiniintan ayaa halkaasi ku helaya adeegyo iyo taageero loogu talagalay in lagu fududeeyo dib ugu laabashadooda dalka iyo dib-u-dhexgalka bulshada.
Wafdiga ayaa intii ay booqashada ku jireen u kuurgalay xaaladda xarunta, adeegyada ay bixiso iyo howlaha loo qabanayo dadka Soomaaliyeed ee soo laabanaya. Sidoo kale, waxay xog-wareysi la yeesheen qaar ka mid ah muwaadiniinta la soo celiyey, iyagoo ka dhageystay waayo-aragnimadooda iyo duruufihii ay la kulmeen intii ay ku maqnaayeen dalalka ay kasoo laabteen.
Kulamadaasi ayaa sidoo kale lagu ogaaday caqabadaha iyo baahiyaha ay qabaan dadka soo laabanaya, gaar ahaan kuwa wajahaya xaalado nololeed oo adag iyo kuwa weli ku jira safarrada tahriibka.
Guddoomiye Liibaan Cabdi Cigaal ayaa muhiimad gaar ah siinaya in la helo xog sax ah oo ku saabsan xaaladaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dibadda ku sugan iyo kuwa dalka kusoo laabanaya, si xogtaasi loogu saleeyo barnaamijyo iyo qorshayaal wax-ku-ool ah oo dowladda Soomaaliya uga jawaabto baahiyaha dadka soo laabanaya.
Intii uu socday kormeerka, wafdiga ayaa sidoo kale dhageystay warbixinno ay soo jeediyeen wakiillada hay’adaha Dowladda ee qeybta ka ah adeeg-bixinta Xarunta Soo-dhoweynta iyo Dib-u-dejinta (SRRC).
Hay’adaha dowladda ee adeegyada ka fuliya xarunta waxaa kamid ah Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Qoyska, Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha muhaajiriinta.
Hay’adahan ayaa dadka soo laabanaya siiya adeegyo kala duwan oo muhiim u ah soo-dhoweyntooda, caafimaadkooda, diiwaangelintooda iyo sidii loogu fududeyn lahaa dib-u-dhexgalka bulshada.
Booqashada ayaa sidoo kale fursad u noqotay masuuliyiinta dowladda iyo wakiillada Midowga Yurub in ay si toos ah u qiimeeyaan baahiyaha xarunta iyo adeegyada loo fidiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka kusoo laabanaya.
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Liibaan Cabdi Cigaal, ayaa xoogga saaraya xoojinta adeegyada loo fidiyo dadka soo laabanaya, iyadoo la doonayo in la helo hannaan ku dhisan xog sugan, qorsheyn iyo iskaashi dhex mara hay’adaha dowladda iyo bah-wadaagta caalamiga ah.
Kormeerka ayaa kusoo dhammaaday in la sii xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah, si loo horumariyo adeegyada Xarunta Soo-dhoweynta iyo Dib-u-dejinta, loona hubiyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka dib ugu soo laabanaya ay helaan taageerada iyo adeegyada lagama maarmaanka u ah noloshooda iyo dib-u-dhexgalkooda bulshada.