Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir oo ka qaybgalay Shir-weynaha 5-aad ee ay qabatay Xarunta Daraasaadka ee Al-Maqaasid.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa ka qaybgalay Shir-weynaha 5-aad ee ay qabatay Xarunta Daraasaadka ee Al-Maqaasid, kaas oo diiradda lagu saarayay falanqaynta nidaamka Federaaleynta Soomaaliya.
Shir-weynahan oo cinwaankiisu ahaa: “Federaaleynta Soomaaliya: Siyaasad Murugsan mise Tubta Wada-Lahaanshaha Buuxa?” ayaa lagu soo bandhigay doodo cilmiyeed, warbixinno, aragti-wadaag cilmiyeysan, iyo khudbado aqooneed oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, xiriirka heerarka kala duwan ee dowladnimo, iyo caqabadaha hortaagan hirgelinta federaal wax-ku-ool ah.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo ka hadlay munaasabadda, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in arrimaha masiiriga ah ee dalka lagu wajaho cilmi, wadatashi iyo is-faham qaran, isagoo yiri:
“Federaaleyntu waa tiir muhiim u ah dhismaha dowladnimada Soomaaliya, balse si ay u noqoto mid miro-dhal ah waxay u baahan tahay in lagu saleeyo cilmi, wada-tashi iyo faham qaran oo mideysan. Shirarka noocan ah waxay fure u yihiin in la helo aragti mideysan oo ku saleysan xaqiiqada dalka iyo danaha shacabka Soomaaliyeed.”
Shir-weynaha ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Culimo, Aqoonyahanno, Ajaaniib lagu martiqaaday iyo Xubno ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada, taas oo sare u qaadday miisaanka aqooneed iyo saameynta doodaha lagu falanqeeyay shirka.
Ugu dambeyn, Shir-weynaha 5-aad ee Xarunta Daraasaadka Al-Maqaasid ayaa la filayaa in laga soo saaro talooyin iyo warbixinno cilmiyeed oo wax ku biirin doona fahamka nidaamka federaalka, iyo sida loo waafajin karo duruufaha siyaasadeed, bulsho iyo amni ee ka jira Soomaaliya.